Jaaliyada Ottawa iyo Hassan Adan Samatar oo Qayb qaatey Soo dhawaynta Maaxaay
Jaaliyada Soomaaliyeed ee Ottawa oo sidiiran usoo dhaweysay Cabdicasiis Muuse Maaxaay iyo Asxaabtiisa
W/Q Cumar M. Farax- Qaranimo online Ottawa - info@qaranimo.com |
January 03, 2010 (QOL) Jaaliyada reer Ottawa ayaa si dhiiran oo kal iyo laab ah u soo dhawaysay Cabdicasiis Maxay oo ah shaqsi waqtigiisa iyo aqoontiisa u huray sidii uu u caawinlahaa ilmaha iyo dadka waweyn oo aan wax looga qaban karin xaaladooda caafimaad dalka Soomaliya gudahiisa.
Shir aad loo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen dad aad ubadan ayaa ka dhacay magaalada Ottawa waxaana halkaas ka hadlay Culamada, wax garadka iyo hoganada jaaliyada qaar ka mid ah, waxayna si kooban uga hadleen barnaamijkan faa’idada uu u leeyahay umada si diin ahaan iyo walaalnimo labadaba, waxayna aad iyo aad ugu mahad celiyeen walaalkood Cabdicasiis Maxay dadaalka wax ku oolka ah uu muujiyey.
Ugu dambayntii reer Ottawa waxay balan qaadeen in ay kaalin muuqata ka geli doonaan barnaamijkan, iyagoo horay uga gaystay kaalmo wax ku ool ah, reer Ottawa waxaa lagu Xasuusan karaa waxay bixiyeen Qarashkii lagu daweyey Kaltuun oo ahayd Hooyo si Qaldan looga dhaliyey Canug, markii ay dhashayna awoodi waysay in ay Ceshato Kaadida iyo Saxarada, kaltuun markii la daweyey waxay si kal iyo laab ah ugu mahad celisay Cabdicasiis iyo walaalihii bixiyey Qarashkii lagu daweyey.
Qoraalkaan waxaan ka soo xiganey Qaranimo Online Waana ku mahadsan yihiin wax qabadkooda.
Waxaan kaloo halkaan ugu mahad naqayaa Wakiilka Shirkada Xawaalada Al-Amal ee Ottawa oo si fiican uga qayb qaatey barnaamijkaan bilowgiisa ilaa Hadda.